Shirkadda HRM oo faragalin ku haysa loolanka doorashada madaxtinimo ee Puntland 2019.

242

Garoowe (Codka Nabadda) Tobankii sano ee la soo dhaafay, waxaa caado noqotay in siyaasada iyo ganacsiga Puntland isku milmaan.

Waxaa xusid mudan in muwadin kasta oo Puntlander ah laga qaado 60$ markasta uu ka duulayo garoomada diyaaradaha, lacagtaas oo gacanta u gasha shaqsiyaad gaara ah oo faa’iido doon ah.

Saamilayda HRM kuwa ugu waawayn waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdullahi Shido oo ah chief campaignerka Saciid Cabdulahi Dani.

Musharaxa Deni wuxuu meelo badan oo fagaare ah ka sheegay in dakaddii boosaaso iyo dhaqaalahii Puntland hoos dhac uu ku yimid, laakin marnaba ma soo hadal qaadin shirkadda HRM oo faragalin ku haysa loolanka doorashada madaxtinimo ee Puntland 2019.

HRM iyo DP World oo lagu wada wareejiyay dakadda iyo garoomada diyaaradaha waxay saamayn wayn ku yeesheen dhaqaalihii Puntland.

Saami layda (shareholders) shirkad HRM waxay lacago malaayin ah ku bixinayaan hadda say ula soo bixi lahayeen musharax ay dantooda ka hor imaynayn, sida muuqatana HRM waxay naf iyo maalba agdhigtay musharax Saciid Deni.

Waxaan si hoose u ogaanay in qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ay qayb ka yihiin saamilayda shirkadan oo asalkeeda laga leeyahay Somaliland, waxaana Shiddo uu ku qasbayaa in ay Deni u codeeyaan si aysan u dhicin madaxweyne la xisaabtama .

Muwaadin ka digtoonow dilaaleyda iyo qandaraslaysha raba inay af duuban rabitanka shacabka.

 

Codka Nabadda (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Somaliland oo Qaadaya maydadka 7-qof iyo dhaawaca lagaynayo Burco…
Laascaanood (Codka Nabadda) Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in ...