Khamiis:- Saaka Maxaa ka Cusub Wararkii Doorashada Puntland iyo Garoowe??

424

Garoowe (Codka Nabadda)  Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa hoolka Baarlamaanku ku yeelan doona kulan xasaasi ah oo ku aadan arrimaha doorashada Puntland.

Kulankan ayaa waxaa lafilayaa in gudiga doorashadu ku diiwaan galiyaan musharixiinta gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland iyo labadiisa ku xigeen oo maalinimada berri ah la dooran doono sida uu jadwalka uu yahay.

Musharixiin ku dhow 10 xildhibaan ayaa u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay Baarlamaanku doortaan madaxda ugu saraysa dowladda Puntland.

Doorashada Puntland ayaa maraysa meel xasaasi ah, waxaana la filayaa in xubno badan oo kat irsan musharixiinta Baarlamaanka Puntland ay si rasmi ah isaga casilaan raadinta xilkaasi halka musharaxiinta madaxtinimadana
qaarkood daaqada ay ka bixi doonaa ka hor doorashada oo dhici doonta 8-da bishani January ee sanadka 2019.

 

 

Codka Nabadda (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
War deg deg ah oo Hada Naga Soo gaaray Magaalada Garoowe iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo…
Gaalkacyo(Codka Nabadda) War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Garoowe ayaa sheegaya ...