XOG: Khilaaf soo kala dhex galay Farmaajo iyo Kheyre iyo Doorashada Puntland oo la isku hayo+Musharixiinta ay…

485

Muqdisho (Codka Nabadda) Doorashada Puntland oo ay 6 maalmood ka harsan tahay ayaa waxaa hadda soo baxaya tirada musharax ee ay wadato dowladda Federal-ka ah.

Xukumadda uu hoggaamiyo Ra’iiusl Wasaare Kheyre waxa ay xoogeeda isugu geysay sidii uu ku soo bixi lahaa Siciid Cabdullahi Deni.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Villa Somalia ay iyadu door bideyso Cali Xaaji Warsame, Maxamuud Khaliif Jebiye iyo Faarax Cali Shire.

Sidoo kale Villa Somalia waxa ay dooneysaa haddii aysan soo bixin saddexda musharax ee hore in aysan dhib ku qabeyn Cabdiweli Cali Gaas iyo Siciid Faarax Juxa.

Villa Somalia iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marnaba kama midoobin musharaxa la taageerayo iyada oo uu Kheyre xilli hore talo saartay Siciid Cabdullahi Deni oo ay Daamjadiid ka wada tirsanaan jireen.

Hase ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu ku taliyey in Nabad iyo Nolol taageerto Cali Xaaji oo ay saaxiib dhaw yihiin Madaxweynaha, Jabiye oo xilli hore soo codsaday iyo Faarax Cali Shire oo uu Faroole ka gaday.

Kulamo dhexmaray kooxda ku aragtida ah Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu guuldarreystay in isku aragti laga noqdo hoggaamiyaha ay Nabad iyo Nolol ka soo saari doont Garoowe.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaan dhib ku qabin sida aan xogta ku heleyno Cabdiweli Gaas oo muddooyinkii dambe xiriirkoodu soo wanaagsanayey iyo Juxa oo ay waligood ahaayeen kuwo isku dhaw.

Juxa oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha waxa ay isku dheceen Kheyre halka xiriirka isaga iyo Madaxweynaha in uu wanaagsan yahay laga fahmi karo sawirka u saran boggiisa Facebook, gaar ahaan qolofka kore (Cover Page-ka).

 

Codka Nabadda (Xafiiska Muqdisho)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
DEG DEG:Musharaxiinta Puntland oo walbahaar ku sugan & Xildhibaanada oo kabo u gashtay sidii ay…
Gaalkacyo (Codka Nabadda) Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayo  xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxa ...