Akhriso:-Jadwalka Doorashada & Shuruudaha Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo La Shaaciyay…

275

Garoowe(Codka Nabadda)  Guddiga Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa Goordhow Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay Shuruudaha musharixiinta Madaxweynaha doorashada dhawaan ka dhaceysa Magaaladaasi.

Guddiga Doorashada ayaa shaaciyay in Musharaxii u tartamaya Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland laga rabo lacag dhan 20,000 doolar,isla markaana Musharaxii u tartmaya Madaxweyne kuxigeenka Puntland laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 10,000 oo doolar.

Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa sheegay in hadal jeedinta Musharaxiinta ay bilaabaneyso maalinta isniinta oo ay taariikhdu tahay ah 7-da bishan,iyadoona ku egtay isla maalintaasi.

Dhinaca kale Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Doorashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ay dhaceyso 8-da bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah.

Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa waxaa ku tartamaya in ka badan 30 Msuharax,kuwaasi oo si weyn Ololaha Doorashada uga wada deegaanada maamulka Puntland.

Hoos Ka Akhriso Jadwalka Doorashada iyo shuruudaha Musharixiinta.

 

Codka Nabadda (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
XOG CUSUB:- Kulamo Xasaasi ah oo ka socda Garowe iyo Xod xodashada Xildhibaanada oo Mashquul lagu yahay
Boosaaso (Codka Nabadda)  Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in ...