Akhriso:- Labada Musharax ee ilaa hada is diwaan Galiyey Doorshada Puntland & Asad Cismaan Diyano oo shuruudii 40-ka sano..

648

Garoowe (Codka Nabadda) Waxaa si rasmi ah Hoolka Baarlamaanka Puntland uga bilaabantay diiwaan gelinta musharaxiinta loolanka adag ugu jira qabashada xilka madaxtinimada Puntland, waxaana musharaxiinta qaarkood ay haatan bilaabeen in ay iska diiwaan geliyaan gudida doorashada madaxtinimada Puntland.

Shuruudaha ku xeeban tartanka musharaxiinta ayaa waxaa kamid ah in musharax walba oo u taagan jagada madaxweynaha uu bixiyo 20 Kun oo Dollar iyo in aysan ka yarayn da’diisu 40 sano, waxaana sidoo kale meesha aan ka maqnayn shuruudo kale oo ku aadan musharaxiinta tar tamaysa.

Musharaxa madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 General Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa waxa uu si rasmi ah u gudoomey warqadda musharaxnimada madaxweynaha ee 2019.

General Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo siweyn loo hadal hayey inuu da’ahaan ka yaryahay 40 sano ayaa dhowaan shaaciyey inay u buuxsan tay 42 sano isla markaana wuxuu si rasmi ah u buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

 

Codka Nabadda (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
TOOS-Khudbadaha Musharixiinta u Taagan Xilalka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo Bilowday.
Xarunta barlamaanka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socda dhegaysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaya ...