Axad:- Maxay tahay Sababta Lix Musharax uga hareen Doorashada Puntland? Yaase Kuxiga oo Tanaa sulaya..

519

Boosaaso (Codka Nabadda) Illaa Lix Musharax oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha Puntland ayaa xalay ku dhawaaqay inay tanaasuleen, kaddib shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Garowe.

Musharaxiintan ayaa sheegay inay u tanaasuleen markii ay arkeen duruufaha adag uu ku sugan yahay Puntland iyo faragelin ay sheegeen in lagu haayo doorashada.

Waxaa ay sheegeen in codkooda ay ku biirinayaan saddex musharax oo kala ah Saciid C/llaahi Deni, C/samad Maxamed Galan iyo Daahir mire Jibriil.

Mid ka mid ah Musharaxiinta tanaasulay oo lagu magacaabo C/risaaq Jaamac Janagale ayaa sheegay in codkooda iyo cududooda ku mideynayaan sidii uu is bedel uga dhici lahaa Puntland oo aanay mar dambe xukunka ku soo laaban Madaxweyne C/weli gaas oo ah Musharax.

Musharaxiinta tanaasulay ayaa waxay kala yihiin:-

1- Maxamed Salaad Qoryooley

2- C/risaaq C/llaahi Jaamac Janagale

3- Cali Axmed Gamuuti

4- C/xakiin Cabdi Xaashi

5- C/llaahi Jaamac Salaad

6- C/weli C/raxmaan Gayre

Waxaa kale oo suuragal noqon kara in ilaa maanta ay iyagana is casilaan musharixiin kale  sababaha ugu badan ee loo aanaynayo inay u tanaa sulayaan ayaa ah qiimaha lacagta oo ka badan doorashooyinkii ay yaqaaneen  ee ahaa $10,000   balse midan ayaa ah $20,000  iyo shuruudaha qaar kood ku yaala warqadihii shalay ka soo baxxay gudiga doorashooyinka Madax waynaha Iyo Madax wayne Ku xegeen Dpl

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Waa Kuma Musharaxa ugu Horeeyay ee Bixiyay Lacagta $20,000 Iskana Diwaan Galiyay Doorashada PL
Garoowe (Codka Nabadda)  Xarunta golaha shacabka Puntland ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ka socota qabashada ...