XOG: Kheyre oo Seefta gasha kala Baxay, Wasiiro la ceyrinayo iyo Mucaaradka oo Xubno ku yeelanaya

433

Muqdisho (Codka Nabadda)  Warar hoose oo ay heshay wakaaladda wararka ee Codka Nabadda ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu wad atashiyadii ugu dambeeyay ka sameynayo Isku shaandheyn uu Wasiiro cusub ugu soo darayo Xukuumadda halka qaar kalena Xilal ay waayi doonaan.

Waxaa la kala wareejin doonaa wasiirada qaar, halka qaarna gabi ahaanba shaqada laga diri doono, waxaana la taaban doonin Wasiiradda qaar sida Maaliyadda iyo Amniga.

Qorshahan waxaa la sheegayaa inuu wato Ra’iisul wasaaraha, balse waxaa dhici karta in dib looga laabto arrintaan haddii wasiirada ay lasoo baxaan dar dar shaqo oo ka duwan midda hadda.

Xukuumadda Kheyre ayaa laga sugayaa iney dalka geliso isbedal ku socda xowli aan la qiyaasi karin, walow ay jiraan dhaliilo durba ay leeyihiin wasiirada qaar.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Mucaarad ah lagu qancinayo Kuraasta ah qaar oo Xukuumadda lagu soo darayo

 

 

Codka Nabadda (Xafiiska Muqdisho)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Axad:- Maxay tahay Sababta Lix Musharax uga hareen Doorashada Puntland? Yaase Kuxiga oo Tanaa sulaya..
Boosaaso (Codka Nabadda) Illaa Lix Musharax oo ka mid ahaa Musharaxiinta u taagnaa xilka Madaxweynaha ...