Maraykanka oo duqayn ku dilay 52 xubnood oo ka tirsan Alshabaab.

119

Taliska ciidamada Maraykanka ee loosoo gaabiyo Africom ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in 52 xubnood oo ka tirsan ururka Alshabaab ay ku dileen duqayn ay ka gaysteen gobolka jubada hoose ee Soomaaliya.

Africom waxay waraaxafdeedkooda ku sheegeen in weerarka ay Alshabaab ku qaadeen uu jawaab u ahaa weerar ay ku Alshabaab ku qaadeen fadhiisin ay deegaanka Sanguuni ku lahaayeen ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubaland.

Africom waxay sheegtay in ay weerar la beegsadeen gaari ay saarnaayeen xubno ka tirsan ururka Alshabaab sidoo kalena waxay xaqiijiyeen in dadka shacabka ah aan wax khasaare ah ka soo gaarin.

Africom waxay sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka Alshabaab, ayna xoojin doonto wadashaqaynta ay la leedahay dawlada iyo maamulada.

Ciidamada dawlada ayaa sheegtay in khasaare baaxad leh ay u gaysteen ururka Alshabaab, sidoo kalena waxa ay soo bandhigeen gaari loo diyaariyay in uu qarxo.

Halkaan ka Akhriso war saxafadeedka Africom

 

Codka Nabadda Radio

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Gudoomiye Mursal oo la kulmay guddi ka tirsan Odayaasha maamulka Koonfur Galbeed
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur ...