Breaking News: Masuul Xaaskiisa ku dilay Magaalada Jowhar

11

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar Ibraahin Maxamed Cali (Cali Dheere),uu  xalay Xaafadda Hanti wadaag ku dilay Xaaskiisa oo Xaamilo aheyd.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in haweynda la dilay lagu Magacaabi jiray Jamiilo Sh.Cali Ibraahin oo aheyd xaaska Ibraahin.

Dhowr Xabadood ayaa la sheegay in uu Madaxa kaga dhuftay Xaaskiisa.

Ehelada Marxuumada la dilay ayaa sheegay inay aad uga naxeen falka dilka ah ee loo gaystay gabadhooda oo xaamilo aheyd, uuna dilay ninkii qabay ee ifka ay ka calmatay.

Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay soo qabteen gacan ku dhiiglaha dilay xaaskiisa, haddana uu ku xiran yahay Magaalada Jowhar, islamarkaana ay faahfaahin ka bixin doonaan sidda ay wax u dhaceen saacaddaha soo socda.

 

WordPress Audio Player Plugin