|
||||||||||||||
|
|
|
||||||||||||
|
Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdsiho Talaado 01/07/08 Codka Nabadda Muqdisho Dagal aad u kulul oo leeysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gabal dhicii caawa wax uu ka dhacay qeeybi ka mid ah dagmada hodan ee magalada muqdisho Abarihii 5;40 galabnimo ayaa uu dagalka sidii dabeeyl oo kale kaga bilaawday deegaanada taleex taree biyaano iyo isgooyska dabka iyo KM 4 oo dhamaantood ka tirsan dagmada hodan ee magalada muqdisho Dagaalkanai oo ay masuulayadeeda sheegteen ciidamada midawga maxakiimta islaamka ayaa waxaa ka dhasahay qasaare nafeed oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ka agdhawa goobihii ay dagaladu ka dhacayeen ee qeeybo katirsan dagmada hodan Inta la og yahay ilaa iyo hada waxa ku naf waayay dad gaaraya ila iyo 8 ruux oo rayid ah iyadoo tiro inta ka badana ay ku dhaawacmeen waxan sidoo kale la ogeeyn in ay jiran dad ku geeriyooday goobaha ay dagaladu ka dhacayeen oo afaafka hore ee dagaalak goobta uu ka socday Dagaalkani oo markii hore u dhaxeeyay ciidamada doowlada fadaralka soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa wararku xaqiijiyeen in markii dabme uu dagaalku ku soofiday sameeyna uu ku yeeshay ciidamada ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Africa ee yugaandha inkastoo ah hayeenka ciidamada yuandha captan badhi akundha uu sheegay in ciidamada nabad ilalinta ee yuaandha aanay dagalkaasi gelin Majirto masuul ka tirsan doowlada fadaraalka soomaaliya oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay qeeybo ka mid ah dagmada hodan iayadoo weli lamaqlayo dhawaqa risaasta inkastoo xoogiisa dagalku uu soo gaaray 07;00 PM ee habeenimada caawa ah Waxaan sidoo kale aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin sheegashada guusha ya midawga maxaakiimta islaamku ay sheeganayaan in ay ka soo hooyeen dagalkaasi maadaama xili habeen ah ay tahay isla markana aanay suuro geleeynin in la hubiyo xaqiiqada dhabta ah oo ay ku sugan tahay goobihii ay dagaaladu ka dhaceen
|
||||||||||||||
![]() |
||||||||||||||