Golaha Amaanka iyo Nabad Galyada Midowga Afrika oo Mudo lix Bilood ah ugu kordhiyay

Talaado 01/07/08  Codka Nabadda Muqdisho

Golaha amaanka iyo Nabada Midowga afrika ayaa shaaca ka qaaday in Mudo Lix Bilood ah ugu kordhiyeen howlgalada Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee ka wada dalka soomaaliya.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Golaha amaanka Midowga afrika oo iminka shir uga socanayo magaalada sharma-sheekh ee dalka masar iyaga oona ugu baaqay golaha amaanka ee Q.M.in ay tixgaliyaan baaqii ka soo baxay dowlada federaalka soomaaliya iyo Isbahaysiga dib u xureynta.

Hadalka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in Q.M.looga baahan yahay in taxader dheeri ah ka muujiso codsiga dhinacyada soomaalida maadaama ayay jiraahdeen heshiis taariikhi ahg ku wada gaareen dalka jabuuti.

Golaha amaanka iyo Nabada Midowga afrik ayaa dhinaca kale sheegay in Sababaha ay u soo dhameys tirmi wayeen ciidamada Nabad ilaalinta ee loogu tala galay dalka soomaaliya sabab u tahay in aysan helin dhaqale xoogani oo ay ka helaan beesha caalamka.

Madaxweynaha soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa codsi gaar ah u jeediyay Madaxda Midowga afirka ee ku shiraya dalka Masar kaasi oo ku aan sidii ay u taageeri lahaayeen heshiiskii Jabuuti iyo in soomaaliya ka Howlgalaan ciidamo ka socda Q.M.

Midowga Afrika ayaa horay u balan qaaday in ilaa iyo sideed kun oo askari u diri doonana dalka soomaaliya balse iminka ka howlgalaan oo kali ah kun iyo lix boqol oo askari kuwaasi oo ka kala socda dalalka Ugandha iy Burundi.

Si kastaba Muda ku darista Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan dalka soomaaliya ayaa imaanaya xili Kooxaha kacdoonka xiliyada qaar weeraro xoogani ku qaadaan goobaha ciidamadaani kaga sugan yihiin gudaha dalka soomaaliya kaasi oo mararka qaar ka soo gaara ciidamada AMISOM khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac