Cadde Muude 1da Luulyo ka hadlay

Talaado 01/07/08  Codka Nabadda Boosaaso

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta [July 1,2008] ka hadlay munaasabada Kowda Luulyo, isagoo sheegay in ay tahay maalin aad u weyn shacabka Soomaaliyeedna meel kasta oo ay joogaan soo dhoweeyeen una sharfeen.

"Somaliya waqti dheer ayey xoriyad aheyd, waqti badana burbur iyo dhibaato ayey ka bixi weyday, Ilaahey waxaan ka rajeynayaa in sida aan hada nahay uu Ilaahey inoo dhaamo, dad ayaa siyaasad maanta ka hadlaya, dad baa baahi u dhintay, ascaartii cirka ayey ku dhegtay, mushahar lama qaato, meel walba Puntland dagaal baa kaga furan gudaha iyo banankaba" ayuu yiri Cadde Muse.

Cadde Muuse wuxuu kaloo sheegay in mudadii ay jirtay Puntland ay horumar ku tallabsatay, gaar ahaan Sadaxdii sano ee ugu danbeeysay, wixii la qabtayna ay yihiin wax arki karo, isagoo intaa raaciyay in hadii wadanka nabad loo heli lahaa la qaban lahaa wax intaa ka weyn.

"Waxan idiin sheegayaa in manta xabsiyadena ay buuxaan meel wax lagu xiro ma leh, waxaana taas ku amaanaya Boliiska oo nabadgelyada ka shaqeeyay oo sadaxdii bilood ee u danbeysay ay qabteen wax weyn" ayuu yiri Cadde Muuse oo intaa raaciyay in magaalada Gaalkacyo mudooyinkan danbe ay ka bilowden wixii ka socday magalooyinka kale ee dalka.

"markaan is dhahno meel wax ka dhaqaajiya waxaa inooga imaanaya dagaal, gudaha iyo banaanka ayaana ka socotaa dhibaatadaas, waxaana qabaa inaanu ka adkaaneyno cid kasta oo dhibatadaas wato, waxaana ka shaqeyneynaa sidii dambiilayaashaas loo qaban lahaa, waana in nin walba meeshii uu joogo ka shaqeeyo, oo warbixina uu ka keeno" ayuu yiri Cadde Muuse.

Cadde Muse waxaa kaloo uu sheegay in xududaha Puntland lagu soo qaaday weeraro, "Jaarkeena weligeen waxaan ka raadin jirnay nabad laakiin waa nalaga garan waayay, Shicibka Puntland waxaan u sheegayaa iney u diyaar garobaan sidii xuduudaheena u difaaci laheyn, waad u jeedaan Sanaag, Laascaanood iyo Mudug waxa ka socda, gacmo wada jir bey wax ku gooyaan, dadka dhahaya Puntland ayaan qabsaneynaa, waxaan leenahay guryahooda nabad kuma joogi doonaan" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo dadka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo difaaci lahaa xuduudaha.

Cadde Muse ayaa carabka ku dhuftay in maalinta Khamiista kulan isugu yeeray Golahiisa wasiirada si ay ugu wada hadlaan daafaca gobolada Puntland isaga oo ka sharqamiyey in Puntland uu galinayo xaalad deg-deg ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in siyaasada yar-yarka ah ee Garowe ka socota aysan macno laheyn iyada oo ay jiraan xaalado adag oo ku soo fool leh Puntland.


Kulanka golaha Wasiirada ee maalinta Khamiista soo socota ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo ay kamid yihiin baaqa Issimada maalintii shaley ka soo saareen xaalada cakiran Puntland  iyo in laga ansaxiyo xukuumada Dastuur shakika badan ka taagan yahay islamarkaana ay suurtagal tahay in lagu dhawaaqo xaalad deg-deg ah oo Puntland lagu soo rogo.

Ku-dhwaaqista xaalada deg-deg ah ayaa noqon doonta mid khilaaf siyaasadeed oo qalfasn Puntland galin doonta taas oo dad badan aaminsan yihiin in salka ku hayso kororsi xukuumada Cadde Muse damacsan tahay in ay sameyso xili lix bilood ka yar ka dhiman tahay doorashada madaxtinimada MGPL.