|
||||||||||||||
|
|
|
||||||||||||
|
1da Luulyo oo laga Xusay Muqdisho iyo Baydhabo Talaado 01/07/08 Codka Nabadda Boosaaso Munaasabadda 48-guurada ka soo wareegtay markii dalka Soomaaliya uu noqday mid ka mid ah dalalka madaxa bannaan ayaa xalay laga xusay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhaba, waxaana xaflado loo sameeyay ka soo qeyb galay madax ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee iyagu ku kala sugan labada magaalo. Xalay abaara 12:00 saac habeenimo waxaa calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taagay gudaha xaruntii Gaadiidka Booliska, iyadoo ay halkaasi ka soo qeyb galeen maamulka G/Banaadir madax ka socotay, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Xildhibaano iyo madax kale oo ka socotay xukuumada Federaalka Soomaaliya. Magaalada Baydhaba ayaa xalay sidoo kale munaasabadda 1-da Luulyo si weyn looga xusay, iyadoo xalay abaara 12:00 habeenimo calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya laga taagay guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana halkaasi khudbado lagu maamuusayo ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), isagoo sheegay in qiimaha ay maalintani leedahay darteed shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii ay dib ugu soo noqon lahayd. Magaalada
Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa si weyn looga xusay munaasabadan
iyadoo ay ka soo qeybgalen maamulka gobolka, wasiiro, xildhibaano iyo
mas'uuliyiin kale. Dhinaca kale munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed ayaan iyadu laga xusin qaar ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaan gobollada Somaliland iyo goobihii ay la wareegeen Maxkamadaha Islaamiga ah, sida magaalooyinka Jowhar, Beledweyne iyo meelo kale.
Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed oo shirka madaxda Afrika kaga qaybgalaya Magaalada Sharma-Al-sheikh ee dalka Masar ayaa hambalyo ku aaddan 48-guurada kasoo wareegtay madaxbannaanida Somalia u diray shacabka Soomaaliyeed. Yusuf, wuxuu sheegay in 1-da Luuliyo ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu gaaray halgan dheer oo loo soo galay, isagoo u rajeeyay in dadkii u dhintay xorriyadda uu Rabbi u naxariisto. "Inaan xusno maalinta xorriyadda dalkeenna waa lagama maarmaan, balse waa ayaan darro in Somalia ay 48-sano kadib sidan ahaato; waxaana Somalida oo dhan u rajeynayaa taariikhdaas awgeed horumar iyo baraare" ayuu yiri Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed. Madaxweynuhu, wuxuu ugu baaqay Somalida inay xusuustaan dhibaatadii loo soo maray xorriyadda, ayna iska daayaan shidada una guntadaan midnadooda nabaddana u hoggaansamaan. Yusuf, wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay DF iyo mucaaradka ku gaareen dalka Jabuuti, ayaa yiri: "Heshiiskaas waa in la taageero, bishaan bisheedana waxaan rajeynayaa in Somailda oo isku duuban ay dabaaldag weyn qabtaan" Madaxweynaha Somalia ayaa ka helay hambalyo ku aaddan 1-Luuliyo madax badan oo ka tirsan caalamka, sida: Madaxweynaha dalka Masar Max'ed Xusni Mubaarak, Boqorka Saudi Arabia Abdalla bin Abdulaziz, Sudaanka Cumaan Sudal Qabus bin Said, Madaxda dalalka Afrika ee ka qaybgalaya shirka Sharmal-sheekh iyo kuwo kale. Somalia ayaa waxaa si wen looga xusay xalay sannadguuradii 48-aad ee kasoo wareegtay maalintii ay xoroobeen gobollada koonfureed ee Somalia, waxaase lagu carqaladeeyay xafladdaas hoobiyeyaal ay sheegteen Mas'uuliyaddooda Ururka Al-shabaab.
Hoobiyeyaashaan ayaa waxay sababeen dhimashada ruux, dhaawaca laba qof iyo
gubashada gaari ay ku rarnayd mucaawino ay bixisay hay'adda WFP oo loogu
talogalay in lagu quudiyo dadkii ka barokacay Muqdisho.
|
||||||||||||||
![]() |
||||||||||||||