Goobihii lagu dagaalamay oo dagal

Arbaco  02/07/08  Codka Nabadda Muqdisho

Waxaa saaka degan goobaha ay shalay gabal dhicii dagaalada ka dheceen ee degmooyinka Waaberi iyo Hodan waxaan si caadi ah u shaqeeynaya gaadiidka Blka ah iyo sidoo kale goobaha ganacasi ee halkasi.

Dhamaan dadka Shacabka ah ee degan Xaafada Degmooyinka Waaberi iyo Hodan Gaar ahaan dhalinyarada ayaa waxaa ay saaka waaberigii bilaabeen in ay isaga cararaan xaafadahooda iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato ay kala kulmaan ciidamada dowlada hadiiba ay baaritaano ka sameeyaan xaafadaasi oo inta badan marka ay weerar kala kulmaan xoogaga ka soo hor jeeda ay baaritaano sameeyaan oo ay dad ku soo qabqabtaan.

Dhank kale inta la ogyahay 14 qofood ayaa ku geeriyootay 19 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray madaafiic xalay ku dhacay qeeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaacamay ayaa waxaa ay ahaayeen dad rayid ah oo madaafiicda ay ugu tagtay guryahooda oo ka baxsanaa halka lagu dagaalamayay kuwaasi oo degenaayeen degmooyinka Wadajir,Waaberi,Hodan iyo Xamar Jab-Jab kuwaasi oo si weyn uga fogaa halka lagu dagaalamayay.

Illaa 3 ruux oo ay ku jiraan hooyo iyo canug yar oo ay dhashay ayaa ku geeriyooday 4 kalena waa ay ku dhaacameen mid ka mid ah madaafiicdii la isku weydaarsanayay dagaal gabaldhicii ka dhacay wadada Makka Al Mukarama kaasi oo ugu tagay xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Sidoo kale Madfac ku soo dhacay degmada Waaberi qooys degaanaa ayaa waxaa uu geeystay dhimashada 3 ruux iyo 4 dhaawaca waxaana bur bur xoogan soo gaaray qooyskaasi gurii ay degenaayeen, sidoo kale 4 ruux ayaa ku geeriyooday qeybo ka mid ah degmada Xamar Jab-Jab ee gobolka Banaadir kadib markii madfac uu ugu tagay halkasi qooys deganaa waxaana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen 5 ruux kuwaasi oo dhamaantooda la dhigay Cusbitaalada Magaalada Muqdisho.

Xaafada African Village ee degmada Hodan ayaa waxaa iyana ay waxyeelo ka soo gaartay madfac ku dhacay qooys ka kooban 6 ruux waxaana halkaasi ku geeriyooday 4 ruux waxaana sidoo kale isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho ku dhaacamay 6 qofood oo rayid ah.

Dhamaan madaafiicdani sida arxan darada ah loogu garaacayay Xaafadaha ka baxasan halka lagu dagaalamayay ay qeeyb ka haayeen dagaal xoogan oo shalay gabaldhicii ka dhacay Qeeybo ka mid ah degmada Hodan gaar ahaan wadada Makka Al Mukarama iyo Xaafada Taleex ee degmada Hodan kaasi oo ay isaga hor yimaadeen Ciidamada AMISOM kuwa dowlada KMG Soomaaliya oo dhan ah iyo xoogaga Ka soo hor jeeda.

Dhaamaan dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ay ahaayeen dad rayid ah oo aan qeyb ka hayeen dagaalada dhacayay waxaana marka la isku geeyo tirada dhimashada ay gaareeysaan 14 ruux halka ay sidoo kale dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen dad gaaraya 19 ruux kuwaasi oo la dhigay cusbitaalada magaalada Muqdisho.

Inta badan dagaalada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay qasaaraha ugu badan ka soo gaartaa dadka shacabka ah ee ka baxsan halka ay dagaalada ka dhacan ama ay dagaalada ku qabsadaan goobaha ay joogaan kuwaasi oo aysan illaa iyo hada jirin cid wax iska weydiisay qasaaraha soo gaara dadkasi.