Jaiirada kudhaa oo katirsan Jubada hoose oo ay gacan ku haynteeda la waregen Maxkamadaha 

Khamiis   03/07/08  Codka Nabadda Baladweyn

wararka ka imaanaya jasiirada madhawa ee koonfurta gobolka jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in ay maanta dagan tahay ka dib markii shalay ay ku dagaalameen xoogaga hubeysan ee ka horjeeda siyaasada dowlada iyo joogitaanka ciidamada itoobiyaanka ah iyo ciidamo maleeshiyo beeleed ah oo halkaas iyagu sugnaa waxaa sidoo kale la sheegey in dagaalkii shalay ka dhacay jasiirada madhawa ee koonfurta gobolka jubada hoose ay ku dhaawacmeen labo qof lana gaarsiiyey maanta isbitaalka magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ,,
 

hada maaha markii ugu horeysey oo ay ciidamo taabacsan xoogaga hubeysan ee ka horjeeda dowlada ku meelgaarka ah ee somaliya ay la wareegaan gacan ku haynta qaybo ka mid ah gobolka jubada hoose,