|
Maamulka Gobolka
Banaadir oo Hey’adda WFP ka codsaday inay dayactir ku samayso
Kawaanka Gawraca Hilibka ee Degmadda C/Casiis
Khamiis 03/07/08
Codka
Nabadda Baladweyn
Kormeer
gaaban oo ay manta ku tageen Xarunta Kawaanka Gawraca Hilibka ee degmadda C/Casiis
ee magaaladda Muqdisho ku-xegeenadda Duqa Magaaladda Muqdisho ee xagga
arimha Bulshadda iyo Hawlaha guud maxaed cusmaan dhagaxtuur iyo cumar Aween
Nuur dacas aye ugu kuur galeen xaaladda uu xiligaan ku sugan yahay kawaanka
gowraca Hilibka ee degmdaasi iyo waxaa uu u baahan yahay in laga qabto.
Kuxegeenadda duqa magaaladda Muqdishoee xagga arimha bulshadda iyo Hawlaha
guud waxay si weeyn ugu kuur galeen dhibaatooyinka bur bureed ee soo gaaray
kawaanka iyo sida wax loogaga qabban karro , haday noqon laheeyd dib u
dayactir iyo weliba in loo raro goob cusub ee kaga haboon halka uu kuyaalla
xiligaan oo ah goob aanan ku wanaagsaneeyd mar haddii uusan aheeyn sidii
horay loogu talagalay, hadey noqon laheyd dhinaca nadaafadda iyo hawlaha
haatan uu qabto oo ah gawraca xoolaha .
Shir ja-raaid oo ay xarunta kawaanka ku qabteen masuuliyiintaas ayeey kaga
codadeen cidkasta oo ka damqaneysa dhibaatadda ka jirta haatan gudaha
kacwaankaasi in ay gacan ka geysato sidii wa looga qaban lahaa
Masuuliyiintaasi waxaa kaloo ay sheegeen in kawaankaasi maalin kasta lagu
gawraco 100 iaa 150 neef oo xoolo ah isuguna jira lo. Ari. Iyo gel intaba ,
waxayna si gaar ah uga codsaden hay-adda WFB in ay gacan ka geeysatto
maadama ayeey yitaahdeen in hay.adaasi ay tahay tan kaliya ee gobolka
banaadir wax kala qabata ayna ka dhexeyso wax wada qabsi
Kawaanka gawraca ee xoolaha ayaa haatan waaa uu yahay mid a ka muuqdaan bu
bur baaxad leh iyadoo aanan 18kii sanno ee ugu dambeeyayna aanan wax laqa
qaban , halka kuwa yar yare e ku aalla suuqyadda degmooyinka goboka banaadir
guud ahaantood la dayactiraym haatan ay yihiin kuwo ka qeeb qaata hawlaha
suuqyadda.
|