|
||||||||||||||
|
|
|
||||||||||||
|
Golaha Wasiirada DGPL ayaa ansixiyay Tastuur qabyaa oo mudo horyaalay Khamiis 03/07/08 Codka Nabadda Baladweyn
Kulan Xasaasi oo ay xaley Golaha wasiirada dawlad Goboleedka Puntland ayey sibuuxda isugu raaceen dastuurka cusub ee loo dajiyey in lagu dhaqo deegaamada Puntland sanadaha soo socda. Shirkan oo saxaafada loo diiday isla markaana ahaa mid albaabadu u xiranyihiin uuna shir gudoominayey Madaxweynaha DGPLGen.Cadde Muuse Xirsi, ayaa lagu ansixiyey dastuurka cusub iyo waliba qorshe ku aadan siyaasada biyaha ee maamul Goboleedka Puntland. Wasiirka warfaafinta ee maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Saalax (Bangax) oo saaka u waramayey warbaahinta ayaa ka bixiyey shirkii lagu ansixiyey dastuurka cusub ee ay yeelanayso Puntland, waxaana uu sheegay wasiirku in dastuurkaasi ay hada ansixiyeen loo gudnin doono golaha wakiilada si ay uga doodaan. Dastuurkaan Cusub ee la sheegayo inay Puntland yeelan doonto ayaa isagu ah mid uu buuq badani ka taagan yihiinsi oo ay ku sifeeyeen dadka ka faalooda siyaasada Puntland inay tahay mid u adeegaya madaxda talada haysa oo ay ku doonayaan inay xukunka ku xoogaan iyagoo gabaad ka dhiganaya Dastuurka ay iyagu gacan tooda ku dasadeen. Xubno ka mid ah Golaha WAkiilada Puntland ayaa iyaguna sheegaya inaysan macquul ahayn marnaba in Dastuurkaan lagu aqbalo sida uu yahay,isla markaana ay doonayaan inay wax badan ka badalaan ka hor intaan cod loo qaadiin,laakiin taas waxaa jira Xildhibaano kale oo iyaguna kasoo horjeeda fikradaas doonayana inay in sida uu hadda yahay lagu dhaqan galiyo. .
|
||||||||||||||
![]() |
||||||||||||||