Kooxda Kubadda Cagta Ee Jaaliyadda Soomaalida Hindiya Oo Ka Yaabsatay Ilaa Lix Waddan Oo Koob Kala Dhexeeyay.

Jimco   04/07/08  Codka Nabadda Baladweyn

 

India(Heydrabad). Koob la sheegay inuu abuuray xiiso iyo xamaasad saa'id ah, kaasoo la dhex dhigay jaaliyadaha dhowr waddan oo ka kala socday Soomaaliya, Ethiopia, Djebouti, Kenya, Tanzania, Nageria iyo Yemen ayaa waxaa lagu qabtay waddanka India, gaar ahaan gobolka Heydrabad.
 
Koobkan oo ahaa kulamadiisa is wada arag, isla markaana lagu kala qaadayay dhinaca kala horreynta dhibco tirsiga ayaa waxaa gebo-gebadii ciyaarahaasi xagga kala horreynta dhibcaha ku qaaday kooxda jaaliyadda Soomaalida Hindiya, ka dib markii ay urursadeen 15-dhibcood oo nadiif ah, halka kaalinta labaadna ay soo gashay kooxda jaaliyadda Yemen, kuwaasoo iyana urursaday 13-dhibcood.
 
Kooxdan Soomaalida oo mar kaliya laga adkaaday 6-dii kulan ay la yeesheen waddamadaasi ayaa waxaa la sheegay inay soo bandhigeen ciyaaro wanaagsan oo si weyn loo wada jecleystay, taasoo ay kaga yaabsadeen waddamadii dhiggooda ahaa ee koobkaasi kula tartamayay. Sidoo kale, intii ay socdeen kulamadaani is wada aragga ahaa ayaa markii loo saadaalinayay koobka inay hanan karaan Soomaalida waxay aheyd ka dib markii ay goolal badan uga talaabsadeen kooxda jaaliyadda Kenya metaleeysay, taasoo baa la leeyahay baqdin gelisay kooxihii kale ee koobka kula loolamayay ee kala ahaa Nageria, Ethiopia, Tanzania iyo Djebouti kuwaasoo sidoo kale kulamadii ay la wada yeesheen gedigood afka ciidda u daray, marka laga reebo kooxda Yemen oo aheyd kooxda kaliya ee Soomaalida ka badisay.
 
Haddaba, xaflad ballaran oo lagu guddoonsiinaayay koobkii iyo bilado kala duwan kooxda jaaliyadda Soomaalida Hindiya ayaa waxa ay ka dhacday mid ka mid ah hoolalka waaweyn ee magaaladaasi Heydrabad ku yaala. Iyadoo xafladaasina ay ka soo qeyb galeen dhammaan jaaliyadihii koobkaasi loo dhigay, marti sharaf ka kala socday jaamacadaha gobolkaasi iyo ardayda wax ka barata dalkaasi Hindiya oo si weyn u taageersanaa isla mar ahaantaasna aad ugu faraxsanaa guushaasi taariikhiga ah oo ay soo hoyeen halyeeydaasi Soomaaliyeed.
 
Dhinaca kale, mas'uuliyiintii jaaliyadda Soomaalida Hindiya oo xafladaasi ka hadlay ayaa waxay ammaan iyo bogaadin ballaaran u jeediyeen kooxdooda, kuwaasoo ay sheegeen inay muujiyeen karti dheeraad ah iyo ku fara-adeyg ay koobkiiba ugu soo gacan geliyeen, arrintaasna waxay ku tilmaameen inay tahay guul aan kaligood ku koobneyne balse Soomaalida idilkeed meel walba oo ay joogto u soo hoyatay.
Sidoo kale, waxay ammaan lixaad leh u jeediyeen macallinka kooxda oo lagu macagaabo C/qaadir (Weydoow) iyo caawiyihiisa Abshir Cabdi Maax iyo weliba guddoomiyaha kooxda Xasan Yuusuf oo Speaker loo yaqaano.
 
Ugu Dambeyntii, waxay jaaliyadda Soomaalida Hindiya u mahad naqeen ciyaartooydii muujisay kartida iyo dadaalka weyn oo ay ku hantiyeen koobkaasi. Waxaana magacyada ciyaartooydaasi ka mid ahaa Kabtanka kooxdaasi Maxamed C/laahi Yalaxoow(Captain Yalax), Maxamed C/laahi Xaaji (Xaaji-Kabo), C/risaaq Aadan Max'ed (Takeey), Max'ed Cali Jabane, Najiib Max'ed(Najiibka), Max'ed Mawliid, Cismaan Max'ed, Max'ed Saalax, Abshir C/laahi, Cabaas Max'ed Nuur, C/casiis iyo Khaliif-ka.
 
Haddaanu nahay bahda maamulka iyo weriyayaasha dhiira geliya horumarka isboortiga Soomaaliyeed ee www.Codkanabadda.com waxaan sidoo kale inagana ammaan iyo bogaadin fara badan u jeedinaynaa Kooxdaasi Soomaaliyeed ee jaaliyadda Hindiya joogta. Horumar iyo mustaqbal wanaagsan ayaan idiin rajeynaynaa.
 
C/raxmaan Jaamac Afrax (Helos)
helos69@hotmail.com
Isku Duwaha Ilaha Wararka Asia