Madaxweyne Yuusuf oo lagudoon siiyay warqada katimid Madaxweyne Ali Abdallah ee safiirka ufadhiya dalka Yaman Somalia

Arbaco 11/06/08  Codkanabadda Boosaaso

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa aqbalay oo soo dhaweeyey Safiirka dawladda Yemen ee dalka Soomaaliya ninka la yiraahdo Ahmed Hameed Omer.

Wakaalada Wararka ee Yemen Sabanews ayaa shaaca ka qaaday in uu Safiirki ugudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya warqad uu ka wadey Madaxweynaha Yemen Cali Cabdala Saalax oo ku aadan xaaladaha Soomaaliya.

Madaxweyne Yuusuf ayaa ka godoomay Safiirka Warqada ka timid Cali Cabdala wuxuuna usheegay in loo baahan yahay in sarre loo qaado xiriirada Siyaasada & Iskaashiga ee ka dhaxeeya Labada wadan.

Wakaaladu waxa ay sheegtay in uu Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax mahadcelin balaaran ujeediyey dhigiisa dalka Soomaaliya Mr. C/laahi Yuusuf Axmed uguna            hambalyeey guusha dhabta ah ee la gaaray.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lugu soo qaaday xiriiro badan & Kaalmeyn dawladda Yemen siineyso dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Inta la og yahay dawladda Yemen waxa ay kaalmo dhinac walba ah siisaa Bulshada Soomaaliyeed ,ayadoo marineysa Beesha Caalamka & Hay'adaha QM ee ku shaqada leh ,waxaana aad loogu xasuustaa Yemen heshiis muhiim ahaa oo ay dhex dhigtey Labadii Garab ee ay dawladda Soomaaliya ukala jabtey 2005-tii ,markii ay dawladdu dalka Soomaaliya timid.