|
||||||||||||||
|
![]() ![]() |
|
||||||||||||
|
Wafdi ka socda QM oo kulan Xasaasi la qaatay Masuuliyiinta puntland. Khamiis 12/06/08 Codkanabadda Boosaaso
Wafdigan ayaa ugu horrayn kulan la qaatay Madaxweyne Cade Muuse, kuxigeenkiisa Xasan Daahir Af-Quarc iyo xubnaha golaha wasiirada, iyagoo ka wada Hadley arimo ay ka mid yihiin xaalada ammaan ee Puntland, wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka qaxootiga ah iyo waliba arimo ay ka mid yihiin sicir bararka baahsan ee ka jira deeganada Puntland. Xubnaha ka socdey Qaramada Midoobay oo shaley soo gaaray magaalada Garoowe, ayaa kulamadaasi ay la yeesheen maamulayaasha Puntland ku soo bandhigay qorshayaasha laamaha Qaramada Midoobay ee ku aadan arimaha laga wada Hadley. Wafdigaan ayaa iyagu dib ugu laabtay magaalada Nairobi ka gadaal markii ay dhamaysteen wada hadaladoodii ay la lahaayeen masuuliyiinta puntland.
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||