|
C/aahi Yusuf oo ka
dhoofeyMuqdisho kuna sii jeeda Addis Abba, duqeyn loo gaystey Garoonka
Khamiis 12/06/08 Codkanabadda Boosaaso
Ugu yaraan 9-qof ayaa ku
dhintay 13 kalena waxaa gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii dagaallo
ay ka qarxeen waddada Maka Al-mukaramah oo ay xireen ciidamo ka tirsan kuwa
DF iyo kuwa Ethiopia.
Madafiic ayaa lagu garacay Garonka Muqdisho xilli uu halkaas ku sugnaa
Madaxweyne Yuusuf oo damacsanaa inuu diyaaraddii qaadi lahayd raaco, balse
lama sheegin khasaare ka dhashay garoonka Adan Adde gudihiisa.
Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Somalia ayaa u sheegay saxaafada inaysan
jirin wax khasaare ah oo ay geysteen dagaalladii dhacay, ayna u badnaayeen
rabashaduhu kuwo madaafiic ah.
"Madaxweynuhu, wuxuu u dhoofay dalka Ethiopia, halkaasoo uu kaga qaybgeli
doono shirka dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya Addis
Ababa" ayuu yiri Afhayeenka Madaxweyne Yuusuf.
Dagaalkii dhacay ayaa u dhexeeyay ciidamada Amisom ee saldhigyada ku leh
Isgoyska KM4, kuwo Ethiopian ah iyo kuwa Somalia oo saakay xiray waddada
isku xirta Villa Somalia iyo Garoonka Aadan Cadde iyo weliba kooxaha
dagaallada ka wada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in madaafiic ku dhacday xaafado ka tirsan
Degmada Hodan ay ku dhinteen 6-da ruux halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo
aad u fara badan; waxayna sheegeen inay madaafiicdu ka imaanaysa dhanka
ciidamada Uganda ee ku sugan KM4.
Howlwadeennada Isbitaalka Madiina ayaa waxay u xaqiijiyeen Garowe Online, in
la gaarsiiyay 13-dhaawac ah, kuwaasoo ay ku jiraan saddex ka tirsan Askarta
Dowladda.
Captain Be-huko Bridgye oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay dagaalkii saakay
lagu qaaday ciidamadooda ku sugan KM4 ayaa sheegay inaysan jirin wax khasare
ah oo kasoo gaaray ciidamdooda, wuxuuna inkaray inay ciidamadoodu ku
jawaabeen hubka culus.
Afhayenka Amisom, wuxuu qiray inay jireen gantaallo ku dhacay Garoonka Adan
Adde, balse aysan wax khasaare ah geysan, isagoo sheegay in Madaxweyne
Yuusuf uu si nabad ah ku duulay.
Kooxaha mucaradka ah ayaa inta badan dagaalo la beegsada Madaxweynaha
Somalia marka uu ka baxayo Garoonka iyo marka uu ku soo noqnayo magaalo
madaxda.
Dagaalkaan ayaa noqonaya kii 2-aad oo ka dhaca Muqdsiho muddo 24-saac
gudahood ah, iyadoo dhawaan heshiisyo ay ku kala saxiixdeen mucaaradka iyo
DF dalka Jabuuti.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale la sheegaya in uu Sucudiga tagi doono halkaas
oo la sheegayo in lagu sixiixi doono heshiiskii lagu gaarey Jabuuti.
|