Madaxweyne Cadde Muse oo ku soo labtay Bosaso    

Khamiis 12/06/08  Codkanabadda Boosaaso


Madaxweynaha PL Cadde Muuse Xersi ayaa aroornimadii saakay gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, isagoo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa caasimada Garoowe.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili Maamulka Puntland uu marayo marxalad adag, iyadoo deegaanka Eyl ay ka taagan tahay xaalad culus  taas oo sababtey in xukuumada Cadde bixin waydey mushaharadii ciidamada iyo dowlada.

Dhanka kale waxaa la filayaa in odayaasha gobolka Nugaal ay war cad ka soo saaraan xaalada degmada Eyl oo u muuqata mid horseedeysa dagaal ka dhaca degmadaasi.

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxay sheegaya in Cadde Muse uu socdaal ugu ambabixi doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu ku sugan yahay Cabdulahi Yusuf oo ka qayb galaya shirka IGAD.

Cadde Muse ayaa dhowaan ka soo noqdey wadanka Ethiopia halkaas oo uu ku sugnaa muddo ku dhow Labo bilood.