|
||||||||||||||
|
![]() ![]() |
|
||||||||||||
|
Gaari Xamuul ah oo ku rogmaday Duleedka Baladweyne, kaasoo sababay dhimasho iyo Khamiis 12/06/08 Codkanabadda Boosaaso
Gaari nooca xamuulka ah oo ka tagay Jowhar ayaa ku rogmaday duleedka Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo gaarigaas gadoomay ay ku dhinteen 2-ruux, ayna ku dhaawacmeen 4-ruux oo kale. Wararka laga helayo degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaawacyada oo qaarkood ay haween yihiin ay qabaan dhaawacyo jajab u badan, laguna daweynayo xilligaan Isbitaalka Degmada Baladweyne oo ay maamusho MSF. Gaariga ayaa la sheegay inuu gadoomay kaddib markii uu maray dhul aad u burbursan, taasina ay keentay inuu gaarigu laamiga ka dhaco, iyadoo maydadkii dadka dhintay la dhigay iyagana Isbitaalka Degmada Baladweyne. Goobjoogayaal ayaa sheegay in 6-qof ee labana ay dhimatay afar kalena ay dhaawacantay ay ahaayeen dhallinyaro aad u yaryar, una socday tahriib ay kaga gudbaan badda cas sida kuwo kale oo la socday ay sheegeen. Arrintaan ayaa waxay walwal weyn ku keentay dadkii ka badbaaday gaariga, waxaana howlwadeennada isbitaalka Baladweyne ay xuseen in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo aad u daran, balse lala tacaalayo daweyntooda. Ma ahan markii ugu horreysay oo gaari ku gaddoomay Baladweyne iyo hareeraheeda ay dad ku dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmeen, waxaase dhowr ruux ay ku dhinteen gaari dhawaan ku gadoomay duleedka waqooyi ee Baladweyne.
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||