|
||||||||||||||
|
![]() ![]() |
|
||||||||||||
|
Maraykanka oo xanibay dhaqaalihii Hay'ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Kuwait.
Sabti 14/06/08 Codkanabadda Boosaaso
Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay xannibaad ku soo rogtay hay’ad samafal ah oo fadhigeedu yahay magaalada Kuwait ee dalka Kuwait oo ay la xiriiriyeen inay taageero u fidiso dagaal yahano Soomaali ah oo ku sugan guaha dalka Soomaaliya, waxayna wasaaraddu sheegtay inay xannibtay hantidii ay shirkaddaasi lahayd, waxayna uga digtay muwaadiniinta Maraykanka inay la macaamilaan shirkaddaasi. Ku xigeenka wasiirka maaliyadda ee dalka Maraykanka in shirkaddaasi hawlaheeda samafal ay ku qariso maal gelin ay u samayso ururo dagaal yahano Soomaali ah, waxaana urarada ay sida gaarka ah u maal geliso uu Maraykanku ku sheegay inuu yahay ururka Al-itixaad ee ka hawl gala gudaha dalka Soomaaliya. Ku xigeenka wasiirka maaliyadda ee dalka Maraykanka wuxuu intaa ku daray in ururka Al-itixaad oo xiriir la leh ururwaynaha Al-qaacidah ay shirkaddaasi fadhigeedu yahay Manhal ay ka taageerto dhinacyada dhaqaalaha iyo caafimaadka isla markaana ay shirkaddaasi xiriir wayn la leedahay ururkaasi Al-itixaad oo ay ku eedeeyeen inay cadow ku yaha danaha uu Maraykanku ka leeyahay mandiqadda geeska Afrika. Masuul u hadlay shirkaddaasi samafal ee fadhigeedu yahay dalka Kuwait ayaa sheegay inaysan shirkaddaasi wax lug ah ku lahayn eedeymaha uu Maraykanka u soo jeediyay, wuxuuna intaa ku daray in shirkaddu ay fuliso hawlo samafal oo dhinaca caafimaadka ah, kafaala qaadidda agoonta, qodidda ceelasha iyo dhisida masaajidda.
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||