Madaxweynaha Kenya oo ugu baaqay Midowga Africa, IGAD iyo Beesha Caalamka in la taageero qorshaha QM ay ku dooneeyso in ciidamo loogu soo diro Soomaaliya

Sabti  14/06/08  Codkanabadda Boosaaso


 

Mwai Kibaki madaxweynaha dalka Kenya ayaa ugu baaqay Midowga Africa, IGAD iyo Beesha Caalamka in la taageero qorshaha QM ay ku dooneeyso in ciidamo loogu soo diro Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha uu hadalkaasi sheegay xilli uu ambabaxayay shirka ay yeelanayaan wadamada ku midaysan urur Goboleedka IGAD kaas oo manta ka furmay dalka Itoobiya oo xaruntiisu ku taal.

Madaxweynaha Kenya ayaa sanadkaan ah Gudoomiyaha IGAD, wuxuuna shirkiisa Jaraa’id intii uusan ka dhhfin Nairobi ku eedeeyay Beesha Caalamka oo uu sheegay in ay wax u qaban weysay shacabka Soomaaliyeed.

Mwai kibaki oo ah xiligan Gudoomiyaha urur Goboleedka IGAD ayaa ka qeeyb galaya kulanka maanta ka furmay wadanka Itoobiya, isagoo xilkaasi Gudoonka saree ee IGAD ku wareejin doona Meles Zenaawi Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Sidoo kale Kibaki wuxuu qiray in IGAD ay ku hungowday arrimaha Soomaaliya, sidoo kale Madaxweynaha Kenya wuxuu dhaliilay ururka Midowga Africa oo uu sheegay inuu ku guulaysan waayay in dalka Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabada ilaalin ah taasi oo ay horay u wada ogolaadeen IGAD iyo Ururka Midowga Africa, isagoo aamn u soo jeediyay wadamada Uganda iyo Burundi.

Kibaki wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay shirka Djibouti ay kuwada gaareen kooxaha Soomaalida gaar ahaan Dowlada KMG ah iyo isbeheeysiga dib u xoreynta Soomaaliya,isagoo kulankaasi ku timaamay mid heshiis ay Soomaalida ku gaartay, islamarkaana ay ku dadaali doonaan in uu hirgalo dadaalkaasi nabadeed.