|
Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'isul wasaare
Meles oo Adis ababa ku kulmay.
Sabti 14/06/08 Codkanabadda Boosaaso
Madaxweynaha Dowladda Somalia C/laahi Yuusuf Axmed iyo R/wasaaraha
Ethiopia Meles Zenawi, ayaa kulan muhiim ah ka yeeshay arimaha Somalia iyo
marxalidihii ugu dambeeyey.
Ilo xog ogaal ah oo aanu ka helnay Magaalada Addis-Ababa ayaa sheegaya in
Madaxweyne Yuusuf uu warbixin kooban ka siiyey Meles Zenawi xaaladihii ugu
dambeeyey ee Somalia
Madaxweynaha Somalia, oo sidoo kale uga mahad-celiyey R/wasaare Meles
taageerada Militari ee had iyo jeer ay Ethiopia la garan taagan tahay
Dowladda KMG, ayaa sheegay in ay ciidamada Ethiopia iyo Somalia dagaal adag
kula jiraan kooxo ka soo horjeeda Amaan kusoo dabaalidda Somalia sida uu
hadalka u dhigay.
Md. C/laahi Yuusuf ayaa sidoo kale soo hadal qaaday weeraro lugu qaaday
markii uu ka soo baxayey Magaalada Muqdisho oo ay ugu dambeysay safarkiisan
uu ku joogo Addis Ababa, isagoona ka dalbaday Meles in Ethiopia ay taageero
dheeraad ah siiso Dowladda KMG.
Dhinaca kale R/wasaaraha Ethiopia ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha Somalia
inay Ethiopia sii wadi doonto gacanta militari ee ay siiso Dowladda,
islamarkaana ay ka go'an tahay soo afjaridda mushkiladaha Somalia, isagoo
sidoo kalena qeexay in Ethiopia ay tababar Militari siin doonto Ciidamada
Somalia si ay ammaanka wadanka u hantaan
|