Maxamed Dheere, oo ku eedeeyey Kooxda Al-shabaab inay ubin ka yihiin Shabakadda Al-qaacida

 

Axad 16/03/08  Codkanabadda Boosaaso

Maamulka Gobalka Banaadir, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ay Dagaalyahannadda Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab xalay ku qaadeen Deegaanka Ceel-cirfiid oo lagu dilay afar qof oo ay ku jireen rag ka tirsan Ciiddanka Boliska DFKMGS.

Guddoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdishu, Maxameed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, ayaa maanta soo saaray War-saxaafadeed uu ku cambaareynayo weerarkii shalay lagu soo qaaday Deegaanka Ceel-cirfiid, wuxuuna ku eedeeyey Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab inay xubno ka yihiin Shabakadda Ururka Al-aacida, waa sida uu hadalak u dhigay.

Nuqul ka mid ah War-saxaafadeed oo galabta la soo gaarsiiyey Xarunta Idaacadda Somaliweyn, ayaa lagu sheegay inuu Maamulka gobalka Banaadir tallaabo cad ka qaadi doonoi xalladaasi foosha xun, waa sida War-saaafadeedka lagu qoray, iyadoo la sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Ceel-cirfiid lagu dilay afar qof oo isugu jirta Boliska Nabadgeliyadda ka shaqeeya iyo dad rayid ah..

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Kooxda Al-shabaab, qeybta fadhigooda yahay Ceelasha Biyaha ay dhawaan weerar ku soo qaadeen Siinka Dheere, halkaasi oo ay ku dileen 10-qof oo isugu jirtay Boliska Nabadgeliyadda iyo dad rayid ah, isla markaana la bililiqeystay hanti Dowladeed iyo mid Shacabku leeyahay, waa sida uu Maxamed Dheere ku xusay War-saxaafadeedkiisa.

War-saxaafadeedka, waxaa lagu xusay inay nasiib-rarro tahay iyadoo ay DFKMGS ku baaqayso Dib-u-heshiisiin iyo Wada-xaajoodka inay jiraan kooo khalkhal-gelinayo Nabadgelliyadda Shacabka Soomaaliyeed, waa sida hadalka loo dhigay.

Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ayaa soo baxay xilli uu Afhayeenka GMIS, C/raxiim Caddow uu sheegay inay Dagaalyahannadooda ka dambeeyeen weerarkii xalay ka dhacay Deegaanka Ceel-cirfiid, isagoo xusay inay dileen dhowr ka tirsan Ciiddanka Boliska ee DFKMGS, isla markaana ay kayd hub ah ka qaateen Farrisin ay Ciiddankaasi joogeen.