|
||||||||||||||
|
![]() |
|
||||||||||||
|
Isbahaysiga dib u xureynta oo ka soo horjeestay Baaqii Ra’isul wasaare
Nuur Cadde.
Axad 16/03/08 Codkanabadda Boosaaso -Gudoomiyihii golaha shuurada Maxkamadihii Islaamka sheikh xasan Daahir aweyn ayaa shaac ka qaaday in ayan aqbali doonin hadalkii dhawaan ka soo baxay Ra’isul wasaare Nuur Cadde eek u adanaa dib u heshiisiinta. Sheekh xasan daahir oo waraysi siinayay Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in aysan garan Karin wada hadalka cida ay la galayan Maadaama ayuu yiri Somalia aysan ka jirin wax dowlad ah waa sida uu hadalka u dhigaye. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu shekhu shegay in dowlada Federaalka dadka hogaamiya ay yihiin dad dambiile yaal ah oo xasuuq ka geystay dalka soomaaliya isla markaana aysa mar nab wada hadal la gali doonin. “Tani ma ah Dowlad, waxaynu rumeysanahay inay yihiin dad caddowga ku soo
hoggaamiyey dalkenna, Waa Dembiilayaal” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys
oo Wareysigaasi bixiyey isagoo ku sugan Caasimadda dalka Eriteria ee Asmara. Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku nuux nuuxsaday in dib u heshiisiinta uu ku dhawaaqay Ra’isul wasaare Nuur Cadde aysan aheyn mid loo meel dayay balse la isaga dhawaaqay waa sida uu hadalka u dhigaye isla markana haatan xalka somaaliya uu ku jiro in dalka laga saaro ciidamada Ethiopia ee xoga ku qabsaday. Gudoomiyihii golaha shuurada maxkamadihii islaamka shekh xasan daahir ayaa dhinaca kale sheegay in Isbahysigooda iyo Xoogaga ka dagaalamaya gudaha dalka sii wadi doonaan dagaalada ay ka wadaan gudaha dalka inta ay dalka isaga baxayaan Ciidamada dowalda Ethiopia. Hadalka sheikh xasan ayaa Imanaya iyada oo Todobaadkii aynu soo dhaafmnay Ra’isul wasaare Nuur Cadde soo bandhigay Qorshe cusub oo wada hadal lagula galayo kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda dowlada Federaalka soomaliya.
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||