Ra’iisul-wasaarha Ethiopia oo u ololeynaya sidii ciidamo aad u fara badan u geyn lahaa Somalia.

 

Axad 16/03/08  Codkanabadda Boosaaso

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa shalay ka qeyb galay kulan ka dhacay xarunta Barlamaank Ethiopia ee Addis Ababa

Meles oo khudbad xasaasi ah ka hor jeediyay Barlamaanka Ethiopia, isagoo isku ammaanay inuu yahay geesiga Africa wax weyn ka qabtay Argagaxiso uu sheegay inay isku balaarineysay geeska Africa.

Waxa uu kaftan ahaan u yiri “Marka aan geeriyoodo uma maleyn doono inaan si fudud la igu hilmaami doono hadii ay ahaan lahaayeen caddowgeyga iyo saaxiibadeyda mid kasta wuu I xasuusan doonaa, taalana ha la ii dhiso”.

Ra’iisul-wasaaraha Dowlada Federaalka Ethiopia Meles Zenawi waxa uu hordhigay Barlamaanka inay ka doodan isla markaana ay midkooda ansixiyaan labo qodob oo kala ah:

In ciidamada Ethiopian-ka ay sii joogaan Somalia laguna biiriyo kuwo kale oo aad u fara badan isla markaana ay guud ahaan la wareegeen nabad kusoo celinta dalka Somalia si meesha loogu saaro kuwa AMISOM.

In ciidamada Ethiopian-ka si deg deg ah laga soo bixiyo Somalia, Barlamaanka Ethiopia-na uu qaadayo mas’uuliyada qatarta Ethiopia ugu imaata argagaxisada ku sugan dalka Somalia.

Meles ayaa ugu baaqay Barlamaanka Ethiopia inuu si xoogan u eego labadaan qodob isla markaana mida danta ugu jirto Ethiopia oo ay isku afgartaan u ansixiyaan.

“Ilama ahan in hadii ciidamadeena laga soo saaro Somalia aan ku noolaan doono nabada aan hada ku noolnahay, ilama ahan inay Addis Ababa ka taagnaan doonaan dabaqyadaan aadka u qurxoon iyo waddooyinkaan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Meles.

Barlamaanka Ethiopia ayaa ka codsaday Ra’iisul-wasaare Meles Zenawi inuu u sugo saddex cisho oo ay arrintaan ka doodi doonan kadibna ay shaacinaayaan qodobka ay ku heshiiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumada Ethiopia ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay guud ahaan ula wareegi laheyd howl-galka AMISOM ee nabada Somalia lagu ilaalinayo isla markaana qadka loogu saari lahaa ciidamada AMISOM ka socda ee hada ku sugan Muqdisho.