|
Ciidanka
Booliska Soomaaliya oo loogu deeqay Baabuur
Axad 17/03/08 Codkanabadda Boosaaso
Dowladda Ugandha, ayaa maanta Ciiddanka Boliska Somalia ugu deeqday
Gawaaridda ay Boliska u isticmaalaan hawlaha Gurmada Degdegga ah, xilli ay
Ciiddamadda baahi ballaaran u qabaan dhinaca Gaadiidka.

Ra’isul-wasaaraha Dowladda Federalka Somalia, Kornel Nuur Xasan Xuseen
“Nuur Cadde” ayaa maanta ka qeybgalay Munaasbad ay Dowladda Ugandha ugu
wareejinaysay Ciiddanka Boliska Somalia 8-gawaaridda Toyoto Hillux ee ay
Ciiddamadda u adeegsadaan Hawlaha Gurmadka Degdegga ah.
Munaasabadaasi oo lagu qabtay Xarunta Taliska Ciiddanka Somalia “Commanddo
Polizia”, ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Guud ee Hawlgalka Ciiddamaddaa
Nabad-ilaalinta Afrikaanka “AMISOM”, Jeneral Faransis Okeelo, oo faahfaahin
ka bixiyey Taageeradda ay Dowladda Ugandha soo gaarsiisay Ciiddanka Boliska
Somalia, wuuuna qiray inay Gaadiidkaasi gacan ka geysan doonaan
habsami-u-socodka hawlaha Bolsika Somalia.

Jeneral Okelo, waxa uu sheegay inay Dowladda Ugandha dhawaan soo gaarsiin
doonto Kaalmooyin kale Ciiddanka Boliska Somalia, isagoo tilmaamay inay
Kaalmooyinkaasi muhiim u yihiin Hawlaha Boliska ee ku aadan sugidda Ammaanka.
Jeneral Okelo, waxa kaloo uu ka hadlay Kaalinta ay Ciiddamadda Boliska ka
qaadan karaa hawlaha Nabad-soo-celinta Somalia, wuxuuna qiray inay soo
hagaagayso Ammaanka Guud ee magaalladda Muqdishu.

Sidoo kale, Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Cabdi Xasan
Cawaale “Qybdiid” ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ugandha taageeradda lama
illaabaanka ah ee ay ugu deeqday Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, wuxuuna
sheegay inay Ciiddanka Boliska sii labanlaabi doonaan Waxqabadkooda.
Munaasabadaasi, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa Taliyaha Milliteriga
Ethiopianka ee ku sugan gudaha dalka Somalia, Jeneral Gabre iyo Saraakiil
kale.
|