Abaarihii 9;10 ayaa tiro hoobiyayaal ah lagu weeraray faiisin ay ciidamada itopia ku leeyihiin garoonka kubadda cagta ee muqdisho

Khamiis 26/06/08  Codka Nabadda Muqdisho

Hoobiyayaashaan ayaa lala beegsaday ciidamada itopia ee fariisinka ku leh isgooyska cali kamiin iyo isbartiibad  waxa ayna dadka ku dhaqan deegaanka toowfiiq caawa u sheegeen idaacad codka nabadda ee magalada muqdisho in ilaa iyo 6 hoobiye  qiyaas ahan gudaha u galeen kuwasoo aan la sheegi Karin qasaarah ka dhashay

 

Dadka ka ag dhaw garoonka cayaraha ee magalada muqdisho ayaa int ku daray in markii ay hoobiyayaashu ku dhaceen gudaha isbartiibada ay ciidamada itoobiyaankuna ka bixiyeen jawaabo kuwasoo iyaguna aan la shaacinin qasaraha ay geeysteen

 

Maxamed ibraahin oo ka mid ah dadka ku nool nawaxiga sos ayaa sheegay in aagaas ku soo dhaceen ilaa 4 hoobiye oo la rumeeysan yahay in ay ka yimaadeen ciaadamada itopia ee fariisinka ku leh isbartiibada

 

Galabta ayeey aheeyd sidoo kale markii hoobiyayaal lala beegsaday warshada baastada oo farisin u ah ciidamo ka tirsan itobiya mana jiraan wax qasara ah oo soo gaaray dadka fara ku tiriska ah eek u suga xaafadaha u dhaw warshada baastada

 

Hoobiyayaasha lala beegsado ciidamada itopia fariisimaha ay ku leeyihiin magaalada muqdisha ayaa iyaguna wax ay ka bixiyaan jawaabo ay suuro gal tahay inta badan in ay wax yeelo ka soo gaarto

 

Laba maalin ka hor ayeey aheeyd markii hoobiyayaal lagu weerarary garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho ay klu dhaawac meen ilaa iyo 4 ruux ku waasoo ku sugnaa xero qaxooti oo ku tal buulo tikniko xiligaasoo uu garoonka ku sugna

Ra iisal wasaaraha dowlada fadaraalka somaaliya oo kaduu;layay aadan cade airport