wadanka malaysia oo joojiyay bassaporkii hore ee somalia‏

Jimco 27/06/08  Codka Nabadda Boosaso

Wadanka malaysia ayaa joojiyay kusoo galintaanka Basaboorkii hore ee somalia ugu yaraan dad soomaaliyeed oo gaaraya 21 qof ayaa laga celiyay airoporka Magaalada Kuwla lampur isla markaana ugu wayn wadankani malaysia. dhalinyaro somalia oo ayagu soo galay gudaha magalada ayaa xaqiijiyay inay kuwargaliyeen imagarashinku inaysa gali karin wadanka haday wataan baasaboorkii hore ee somalia ama baasaboorka cagaarka mid kamida somalida soo gashay magaalda ayaa ii xaqiijiyay inuu asgu watay baasaboorka cusub ee ay dhawaan samaysay dowlada faderaalka ah
hadaba waxaa arintan walaac ka muujiyay arday soomaaliyeed oo sheegay inaysa xiligan awoodin inay si fudud ku helaan baasaboorka cusub ee somalia



mid ka mida ardayda muda badan joogtay wadankan malaysia ayaa sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay dowladu soomaalida il gaara ku haysay taasina waxaa sabay ayuu yiri somalida oo kusoo gala wadankan dalxiis isla markaana aysan midkoodna dib uga soo laaban wadanka
:waxaan jooga malaysia 9sano waligay sidan soomaalida looma kantaroolin: sidaas waxaa yiri muxiyadiin cabdi warsame. mxiyadiin ayaa ku nuux nuuxsaday sidoo kale inuu ka cabsi qabo in gabi ahaanba lajoojiyo soo galitaanka somalida inta joogtana loogu baaqo inay ka baxaan
hadaba maxay noqon doontaa xaalada ardayda somalida ah iyo go.aanka dowlada malaysia?



dhanka kalana waxaa arintan sii riixaya dad soomaaliyeed oo usoo qaxaya wadankani malaysia maadaaba lagu imaan karo basaboor somali ah


       Mohamed haji hirsi