Howlgal ay ka sameeyen booliska Degmada Dayniile ayeey dad ku soo qab qabteen

Jimco 27/06/08  Codka Nabadda Boosaso

Baaritanada ay sameeyeen ciidamada policeka ayaa ka dambeeysay markii ciidamo ka tirasan kuwa amaanaka ee dagamadaasi meeydkooda la soo dhigay dagmada daayniile ee magalada muqdisho

 

Ilaa iyo 30 ruux ayaa lagu qab qabtay hoow galadasi iyadoo kadibna la sii daayay qaar ka mid ah halka lala haray 10 ka mida dadkii la qab qabtay

 

Majirto ilaa iminka cid sheegatay in ay leedahay masuuliyada dilkaasi loo geeystay ciidamo katirsan boliska doowlada oo ku sugnaa dagmada daayniile shalay ayey aheeyd markii 9 askari oo boliska saldhiga dagmada daayniile lagu toogtay gudaha saldhigasi

 

Howlgalkaas aya soo gaba gaboobay galabta iyadoo ay dib u bilaawdeen hoowlihii ganacsiga oo uu hakadka ku yimid intii ay socdeen baaritanada la xiriira  cidii  ka dambeeysay dilka askartaasi

 

Inta badan waxaa magaalada muqdisho ka dhaca dilal lala beegsado ciidamada dowlada iyo dagaalo lagu qado fariisamada ay ciidamadaasi ka dagan yihiin

 

 iyadoo jooxahah ka soo horjeeda siyaasada doowlada iyo joogitaanka ciidamada itopia ay ku hanjabeen in ay sii wadayaan bartilaameedsiga ay ku hayan doowlada iyo cidamada shisheeye eek u sugan dalka soomaaliya