Kooxo ku hubeeysan bastoolado ayaa gabal dhicii caawa dil toogasho ah ugu geestay dagmada dharkiinleey askari katirsanaa doowlada hoose

Jimco 27/06/08  Codka Nabadda Boosaso

Askarigaani ayaa dilka loogu geeystay dagmada dharkiinleey ee magaalada muqdisho wax uu cashuurta ka qaadi jiray gawaarida BLka ee isaga kala gooshta dagmadaasi

 

Dilka askarigaani ka tirsanaa doowlada hoose ayaa la sheegay in ay geeysteen rag ku hubeeysan bastoolado oo gaaray 3 nin kuwasoo kabaxsaday goobtii ay dilka ugu geeysteen askarigani

 

Waxaa dib u furmay goobihii ganacsiga oo hakaday markii uu dilkan ka dhacay agagaarka  goobahooda ganacsiga waxa aynaka baqayeen dadku in ay halkaasi soogaaraan ciidamada booliska ee dagmada dharkiinleey saameeyna ay ku yeelato howl galada ay sameeynayaan

 

Majirto masuul ka tirsan doowlada hoose oo ka hadlay dilka loo geeystay mid ka mida howl wadeenada doowlada hoose ee magaalad muqdisho

 

Waxa baryihii ugu dambeeyay dagmada dharkiinleey ee magaalada muqdisho ku soo badanayaya dilalka loo geesanayo shaqaalaha doowlada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada booliska xilayada ay isticmaalayaan wadooyinkasi

 

Iminka waxaa dagan xaalada goobtii uu dilkaasi ka dhacay iyadoo ay dib u biloowdeen adeegyadii dadweeynaha