Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo tagey Maanta
Isniin, 31Dec 07 ------
Idaacada Codka Nabadda
Madaxweynaha Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay , ka dib
todobaadyadii ugu danbeeyey oo uu booqanayay Dalala shisheeye.
Madaxweyne Yuusuf ayaa soo dhaweyn kala kulmay Madaxda dowlada Soomaaliya ee
joogtey Magaalada Baydhabo iyo Kumanaan dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo
ah ,isagoo markaasina bilaabay wada hadalo ku aadan soo xulitaanka Wasiirada
dowlada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyey joogey Magaalada
Nayroobi isagoo halkaasi kula kulmayay Madaxda dowladaasi iyo Deeq
bixiyaasha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha ku aadan sidii taageero xoogan
loo siin lahaa dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.
Warar hoose oo ku dhow dhow Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu
Madaxweynuhu la kulmay Madaxweynaha Kenya ,isagoo ugu hanbalyeey Doorashada
uu ku guuleystay isagoo tibaaxay in looga baahan yahay in sare loo qaado
xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya.
Madaxweynaha dowlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa
ka bilaabay Xarunta Madaxtooyada kulamo kala duwan oo uu la yeelanayo
madaxda dowlada Soomaaliya ,gaar ahaan Raysalwasaare Nuur Cadde iyo
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaden Madoobe oo ay ka wada
hadlayaan waxyaabihii ugu danbeeyey ee ka dhacay dalka Soomaaliya ,gaar
ahaana Magaalada Muqdisho.
Tagitaanka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya
xili beri laga dhowrayo Raysalwasaare Nuur Cadde soo dhisida dowlad Tayo
wanaagsan leh ,kana kooban 18-wasiir oo qura ,iyo marxalada Magaalada
Muqdisho oo dagaalo ay ka dhacayaan.
|