Siyaasada Soomaaliya Dawladaha Carabta

360

Maxaa Soomaaliya kaga quman ama kaga aadan in ay ka yeesho siyaasadda arimaha dibada ee dallalka Carrabta? Intii aanan ka jawaabin, waxaan jecleystey in aan soo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee tusineysa, siyaasadda wadamadda Carabta ee jirta maanta.  Aniga oo ka fiirinaya xagga dagaaladii ay galeen ha ahaadeen mid militari ama mid diblomaasiyadeed.

Siyaasada aduunka jirta ee maanta waxaa saldhig u ah dagaal (War). Dagaalkaas waa mid caskari ah ama waa mid dibloomaasi (Diplomacy) ah. Dawladaha ka dhashay dagaal guul daro sida Dawladaha Carrabta siyaasadooda waxaa ay ubadantahay mid faashil ah.  Bal aan eegno guul darradda dallalka carrabta ay kala kulmeen dagaaladdii ay galleen baddankoodda.

1960 kii ciidammadii habaysnaa ee dalka masar waxay ku guul dareysteen in ay ka guuleystaan jabhadihii iyo maleeshiyaadkii Dalka Yemen ee ay dagaalka la galeen.
Siiriyiintu waxaa ay gacanta sare heleen markii ay u isticmaaleen hub aan caadi ahayn iyo askar boqolaal kun gaareysa dalka lubnaan 1970 yadii oo ahaa dal aan hub badan haysan isla markaana aad u kala qayb qayb sanaa.
Ciraaqiyiintu waxay ku guul dareysteen in ay ka guuleystaan ciidamadii Iiraan ayadoo ciidamada Iiraan ay hore u soo wiiqday dhaqaala yari iyo kacaankii ka dhashay dalkaas iiraan, welina dhanka Ciraaq carrab oo dhan iyo waqooyiga Yurub iyo Mareykan ay taageero xoogan iyo garab siinaayeen.
Ciraaqiyiintu waxaa kaloo ay ka guuleysan waayeen dagaal ayaga iyo Kurdistaanka u dhexeeyey mudo sodon sano ka badneyd.
Dagaalkii dhexmaray Kuwait iyo Ciraaaq labada dhinacba waxaa ka muuqatay dacdaro aad iyo aad u baahsan.
Dagaaladii dhexmaray carrabta iyo yahuuda waxaa intooda badan guushii ku raacday Yahuuda
Wadammadda Khaliijka oo uu horkacayo Sacuudigu waxaa ay dagaal ku qaadeen dalka Yemen ilaa maantana dagaalkii wuxuu socdaa wax guul ah oo ay ka gaareena ma jirto ha ahaato mid dagaal ama mid dibloomaasiyadeed.
Dawlada Masar oo intay ciidamo iyo hub haysato la wada garanayo waxaa ay ka saari la dahay saxaaraha Sinai niman yar oo falaago ah mudo ka badan 20 sanadood.
Dalka Bahrain markii ay ka dheceen banaanbaxyo Shiicada dalkaas ay qaban qaabisay waxaa loo diray 130,000 ciidamo sacuudiyiin ah, si loo badbaadsho boqortooyadii dalka Bahrain.
Dhanka dagaalka oo ay guul daro meel walba ka soo hooyaan waxaa ka daran mida xagga siyaasada.

Tusaale waxaa kuugu filan, dalalka carabta maanta ugu xooga roon xaga dhaqaalaha iyo militariga waa dalalka loo yaqaan Midowga Khaliijka (Gulf Cooperation Council) iyo Masar. Hadaba aan fiirino wixii ku saabsanaa masiirkooda ee xaga siyaasada meesha ay ka gaareen. Waxaad xusuusataa in dalalkaas ay kula jiraan dagaal ba’an dalka Iiraan oo ay u arkaan in uu yahay cadowgooda koowaad.

Ciraaq oo ahayd dal uu xukumo Sunni isla markaana raacsanayd dhanka GCC iyo Masar waxaa ka dhacay dagaal ka dhashay isku maan dhaaf qiima dejinta Shidaalka. Saadaamkii Ciraaq wuxuu rabay in wax soo saarka shidaalka hoos loo dhigo si qiimaha saliida ay kor ugu kacdo isla markaana uu ka soo kabto dhaqaale xumadii ka soo gaartay dagaaladii uu la galay Dawlada Iiraan. Kuwait oo ahayd mid qayb ka ah dawladaha GCC da ayaa arintaa ka hor timid. Dawladaha carrabtu waa awoodi waayeen in ay xaliyaan arintan soo food saartay isku tagoodii suniyiinta (Sunni Alliances). Waxaa ay yeeli kari waayeen in ay Sadam siiyaan deyn si uu dhaqaalihiisa u dhiso, ama ay ku raacaan in wax soo saarka batroolka la dhimo si uu iskiis u soo kabto. Markii intiiba uu ku waayay wuxuu isku dayay in uu xoog iyo caga jugleys ku maquuniyo. Arintaas waxaa ka dhalatay in ay u kala hormaraan dawlada mareykanka halkaana lagu burburiyay cududdii dalalka Carrabta ayna Ciraaq gacanta u gasho cadowgii Suniyiinta ee shiicada raafidada ah ee Iiraan.
Dalka Lubnaan oo Suniyiintiisu raacsanaana dhanka GCC da maanta waxaa uu gacanta u galay shiicada Iiraan, kadib khilaaf kala dhexgalay Suniyiinta Lebanon iyo dalka Sacuudi Carabiya.
Dalka Yemen oo ay Shiicada Xuutiyiintu ka yihiin wax aad u tiro yar, nacayb ay dalalka khaliijku u qabeen Suniyiinta Akhwaan Muslimiinta dartood waxaa ay garab siiyeen xuutiyiinta oo ay islahaayeen waad koontarooli kartiin maadaama ay yihiin niman laga tiro yaryahay. Laakiin kolkay xoogeysteen xuutiyiintii waxay xiriir la xirteen Iiraan isla markaana dalkii Yemen uu gacanta u galay shiicada Iiraan.
Dalka Suuriya oo dadka aqlabiyadoodu yihiin Suniyiin waxaa laga kacshay dagaal ay taageereen isla markaana huriyeen dalalka xulufo ay hormuud u ahaayeen dawladaha khaliijka isla markaana wuxuu ku danbeeyey in dalkaas galay safka shiicada Iiraan isla markaan dadkii Suniyiinta ahaa intoodii badneyd loo qixiyay dhanka yurub iyo Turkiga. Wadankiina Suuriya oo aqlabiyadiisu ahayd niman suniyiin ah waxa uu hadda u kala go’ay dhinac shiico ah iyo dhinac Kurdiyiin ay ka taliso. Arintaas waxaa sababay siyaaso xumada iyo Khiyaamada ka dhex socota dalalka Khaliijka.
Dalka liibiya oo sidoo kale dagaal ay taageereen wadamada khaliijka carrabta uu ka dilaacay. Madax weynohoodii waa la dilay, waxaana hadda ka jira ugu yaraan sadex xukun oo midba uu dhinac raacsan yahay. Ilaa hadda dalalka Khaliijka iyo Masar waxaa ay ku guul dareysteen in ay isku waafaqaan in ay hal dhinac taageeraan si dawlad xoog leh uga dhalato. Halkaas waxaa ka jira fashil ka dhashay khilaafka ka dhex jira Khaliijka dhexdiisa iyo weliba dalka masar.
Soomaaliya oo ay Sacuudigu yiraahdaan waa dal walaalkeen ah, ilaa maanta boqortooyada Sacuudigu wax safaarad ah kuma laha. Qofka Soomaliga ah iska daa visa shaqo in uu ka helo dalka sacuudiga ee xataa fiisadii Xajka iyo Cumrada ayaa mudo ka badan 30 sano lagu qasbay in ay ka soo qaataan dalka Kenya, Ethiopia, ama Jabuuti midkood. Waana arin maanta weli taagan ayadoo ay Xamar ku yaalaan Safaaradaha Turkiga, Mareykanka iyo Ingiriiska.
Dawlada Sacuudiga waxaa ay mamnuucday in la siiyo fiisada shaqada muwaadiniinta Soomaaliyeed xataa haddii ay shaqo ka helaan shirkadaha dalkaas boqortooyada Sacuudiga, ayaga oo weliba dalalka Kenya iyo Ethiopia si sahlan usiiya waraaqda shaqada.
Dawlada Sacuudigu labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay gebi ahaan joojiyeen in ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed scholarships ama mixnadihii waxbarashada ee ay siin jireen.
Masar oo tiraahda Soomaaliya waxaa naga dhexeeyay saaxiibtinimo dheer iyo difaac, haba yaraatee sodonkii sano ee Soomaaliya burbursaneyd iskuma aysan dayin in ay taageeraan ama dhisaan dawlad Soomaaliyeed.
Ethiopia waxaa ay dhisatay biyo xireen aad iyo aad u weyn kuna ah khatar dalka Masar biyihii uu ka heli jiray webiga Niil. Masar kama fakarin in ay u baahandoonto Soomaaliya ee waa ka seexatay. Maanta oo xeero iyo fandhaal kala dheceen ayay leeyihiin aan wada tashano. Bal ka waran haddii markii ay arkeen in nabaddii iyo Xukunkii Siyaad barre faraha ka sii baxayo ay keeni lahaayeen 20,000 oo ciidamo ah isla markaana dhihi lahaayeen anagaa nabada caasimada Muqdisho sugeyna inta Jabhaduhu heshiis ka gaarayaan. Maanta miyaa webiga Nile laga wada hadli lahaaa?
Dalka Iiraan waxaa laga qaaday Cunaqabateyntii isla markaana loo ogolaaday in ay sameysan karaan Nuclear Power ay koronto ka dhashadaan. Wixii ay lacag, saaxiibtinimo, ogolaansho siiyeen reer Dalalka khaliijka dawladaha reer galbeedka si loo dumiyo dalka Iiraan wuxuu noqday hal bacaad lagu lisay. Taas oo ka tarjumeysa daciifnimada siyaasada dawladaha carrabta ee ka soo horjeeday dawlada Iiraan.
Waxaa wargeyska Wikileaks uu soo qoray in in kabadan 3 billion oo doolar ay dawlada Imaaraadka Carabtu ku bixisay in cinqilaab laga rido dalka Turkiga.
Wax haba yaraatee ciidamo midaysan ama siyaasad midaysan oo ay leeyihiin dalalakan lagu magacaabo isbahaysiga Khaliijku ma jirto sida NATO oo kale.
Waxaa ay dawladaha khaliijku dhowaan xiriirkii u jareen dawladda Qatar oo ahayd mid ka tirsan xulufada Khaliijka. Wax wada hadal ah oo ka horeeyey ma jirin inta aan xiriirka loo jarin wadankaas ka tirsanaa xulafadooda. Xataa hore loomguma soo sheegin wadamo loo baahday taageeradooda sida Soomaaliya, Suudaan, Marooko, Algeria, Pakistan, Turkey, Indonesia, Malaysia, iyo Tunisia taasna waxaad ka arki kartaa orodka ay hadda ugu jiraan in ay helaan taageero xiriirka loogu jarayo dalka Qatar.
Soomaaliya oo istiraatiijiyo weyn u leh dalalka carrabta, waxaa ay arkeen markay arkeen Erdogan oo Mogadishu Airport taagan xeryihii qaxootigana soo booqanaya. Kuma soo dhicin ama kama wada tashan dallalkaan maxaan Soomaaliya ka yeelnaa waa dal muhiim aayatiinkeena u lehe! Waxaa ay siyaasadoodii noqotay hinaaso dumar oo kale oo ay kaliya ka hinaaseen muxuu Turkigu ku arkay meesha.
Lacagtii 50 billion USD ee dadka Sacuudiga laga soo aruurshay si Soomaaliya loogu taageero berigii boqor Abdullah waxaa ay siiyeen UN meesha ay aadayna ilaa maanta cid og lama hayo.
UAE ayada oo dawlada dhexe ee Soomaaliya la tashan ayay heshiis in ay helaan xero military oo ah heshii heer qaran ah, la gashay gobol falaagoobay (Somaliland) aduunkuna uusan aqoonsaneyn taas oo ay ku wiiqayeen qaranimada iyo dalnimada ummada Soomaaliyeed.
Meesha qaxootiga dalalka Suuriya, Yemen iyo Falastiin laga siiyay fiisooyin iyo Ciqaamooyin ay ku joogaan dalka sacuudiga si ku meel gaar ahna uga shaqeysan karaan. Taas dawlada Sacuudigu uma sameyn dadka iyo dalka Soomaalida ee waa soo tarxiilaan oo dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya oo socda ayay dayuurado buuxa oo tarxiil wada ka soo dejiyeen bali doogle. Sidaas daraadeed waxaa xaqiiq marag madoonto ah in Siyaasadda arimaha dibadda sacuudiga aysan Soomaalidu ahayn dad iyo dal carrab ah oo astaahila xuquuqda ay leeyihiin dadka iyo dalalka carrabta runta ah sida Yemen, Falastiin iyo Suuriya.
Ilaa maanta Dalka Sacuudigu kama furin Soomaaliya Safaarad. Haddii qof Soomaali ah uu rabo visa dalka Sacuudiga waa in uu tagaa mid ka mid ah dalalka Ethiopia, Kenya ama Jabuti. Taas waxaa ay cadeyneysaa in haba yaraatee wax qiimo, qaayo iyo ixtiraam ah aysan Sacuudigu u hayn dadka iyo dalka Soomaaliya. Taas oo ah siyaasad xumadii ugu heerka sareysay, waayo Soomaaliya waa dal istiraatiijad weyn u leh dawlada Sacuudiga ha ahaato mid difaac iyo mida ugu weyn oo ah in ay u helaan xujeyda xoolo raqiis ah.
Soomaali haddii aan nahay nafteena iyo dhiigeena ayaan ka hormarineynaa in Sacuudig wax yeelo gaadho, laakiin ayaga dhankooda ilaa maanta kama hayno wax tusinaya walaaltinimadaas aan u hayno ha ahaato mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid diineed intaba (Waayo xujeydeenii wadanka gudihiisa kama soo qaadan karaan visa ay ku aadaan Madinah iyo Makkah) waa in looga doonaa dalal kale oo weliba Christian ah sida Kenya iyo Ethiopia.
Sababta fashilkaan milatari iyo siyaasada keentay halkaan kuma sharixi karo oo waxaa ay u baahantahay dhowr qormo, laakiin Sababta ugu weyn waxaa weeye, dalalkaan waxaa ay ku dhisanyihiin difaaca reerka ama madaxda maamusha dalka ee kuma dhisna difaaca iyo horumarinta dalka, diin iyo dadkooda.

Waa laba mowqif oo kala gedisan difaaca dal iyo dad iyo difaaca reer ka taliya dalka. Mida labaadna waxaa weeye dawladda Mareykanka oo rabta in ayadda mar walba ku xirnaato jiritaanka iyo difaaca dawladaha Khaliijka iyo kuwa batroolka haysta oo dhan. Waxa ku dhaca kii madaxa yara taaga sida (Libya oo damacday lacag dahab ah in ay sameysato) iyo (Qatar oo Idaacada Al Jazeera ee madax banaan sameysatay) ayaa tusaale kuugu filan.

Haddaba maxaa la gudboon dawladda Soomaaliyeed in ay ka yeesho Siyaasada Dallalka Carrabta ee faashilka ah, is bedbedelka badan isla markaana aan la isku haleyn karin. Waxaa kaliya oo Soomalidu ay ka yeeli karto waxaa ugu muhiimsan in ay ka yeesho sida ugu dhibka yar taas oo ah in ay ka yeesho sida dalka Mareykanka iyo Turkigu ay ka yeelaan. Taas oo ah in wadankii ay xiriirka u jaraan, ay Soomaaliduna xiriirka u jarto, wadankii aysan xiriirka u jarina labaddaas wadan ay iska deyso.

Dalka Qadar ilaa maanta dalka Mareykanka iyo Dalka Turkiga labadaba midna xiriirka uma jarin (ogow Mareykanka iyo Turkey waxaa labaduba qayb ka yihiin NATO). Haddii shaki kujiro arin ku saabsan Siyaasada dalalka Carabta sida GCC waxa ugu wanaagsan ee dawlada Soomaaliya ay maanta ka yeeli karto kuna badbaadi karto waa in ay fiirisaa muxuu mareykanku ka yeelay arintaa khuseysa dalkaas carbeed. Haddii uu xiriirka u jaro wadankaas waa ku daayey, ee Soomaaliyana waa in ay u jartaa xiriirka, haddii weli uu jiro xiriirkii, safaaradii mareykanka ka furantahay, waa in la sugaa. Haddii culeys dawladu ay ka dareento dhanka dalalka carrabta ha wacdo safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya hana u sheegto culeyskaas hana ogeysiiso in ay u baahantahay taageero in lala hadlo dalkaas carbeed iyo shaqsiyaadka uu adeegsanayo.

Waxaa hubaal ah wadan carrab (sunni ah) oo maanta wixii mareykan yiraahdo ka hor imaan karaa inuusan jirin. Waa xaqiiq, marag ma doonto ah. Ninkii dawlada Soomaaliya isku taaga lacag ha soo qaato, ama yuu soo qaadane, ha lagu dacweeyo Safiirka Dawlada Mareykanka.

Carrabtu siiba Isutaga Ururka Khaliijka siyaasad ka madax banaan dawladda Mareykanka malaha. Xataa Sacuudigu ma awoodaan in ay joojiyaan xoolaha Soomaaliya waa haddii uusan Mareykanku ku taageerin arintaas.

Waxaan uga digayaa dawlada Soomaaliya baarlamaankeeda, ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha iyo dhamaan hayadaha dawlada iyo culumaa udiinka in aysan ku kadsoomin Siyaasada Dawladaha Carrabta. Dhamaan waxaa ay hoos tagaan, ka dab iyo amar qaataan isla markaana bartilmaameed u ah Siyaasada Dawlada Mareykanka.

Maadaama uu arinku sidaa yahay, soo ma haboona in laga yeelo ama la weydiiyo dawlada mareykanka markii ay arin ku saabsan dawladaha Carrabta soo wajahdo dawlada Soomaaliya sida xiisada ka taagan Khaliijka iyo Qatar dhexdooda oo kale.

One Comment

  1. Hi, this is a comment.
    To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
    Commenter avatars come from Gravatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Xoosh oo Si Fudud u Raali Geliyey Xildhibaanada Baarlamaanka
Wasiirka Dastuurka Federaalka Soomaaliya Cabdireaxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta hortegey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib ...