NUSOJ, IFJ IYO Naadiga suxufiyiinta Haweenka oo tababar u qabtay gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta Muqdisho ( Sawiro}.

241

Tabbabar ay iska kaashanayeen ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee {Nusoj}, ururka Caalamiga ah ee Saxafiyiinta Adduunka {IFJ} iyo Naadiga Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed {Sowjoc}, kuna saabsanaa doorka ay haweenku ku leeyihiin Warbaahinta ayaa maanta lagu qabtay Magalaada Muqdisho.

Munaasabadii furitaanka saminaarkaasi ayaa hadal ay halkaasi ka soo jeedisay Gudoomiyaha Naadiga Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed (Sowjoc) Nimco Xasan Cabdi {Nimco Kaah} waxa ay ka war bxisay dhibaatooyinka ay haweenka kala kulmaan shaqooyinka Warbaahinta, waxayna ku nuux-nuuxsatey inay habluhu ka go’an tahay sidii ay kaalin hormuudnimo uga qaadan lahayeen hawlaha Warfaafiinta, iyadoo ku guubaabisay inay la yimaadaan midnimo, isku kalsoonaan iyo sidii ay uga soo dhalaali lahaayeen doorka ay ku leeyihiin saxaafadda.

Wasiirkii ku xigeenkii Wasaaradda Deegaanka Dawlad Goboleedka Galmudug ahna ruug cadaa hore oo ka tirsanaa bahda Waraabhinta Cabdi fitaax Maxamuud Khafiifow oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qabashada tabbabarkaasi, waxaana uu halkaasi uga madaxa naqay madaxdii saminaarkaasi isku soo duwday, isagoo balan qaaday inuu ka qeyb qaadanayo taageriada gabdhaha saxafiyiinta Wadankeena.

Xoghayaha Guud ee Nusoj ahna masuul ka mid ah Gudiiga Fulinta ee ururka Saxafiyiinta adduunka IFJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo si rasmi ah u furmay tabbabarkaasi ayaa cadeeyay Nusoj inay hiil iyo hooba la garab taagan tahay gabdhaha saxafiyiinta, waxaana uu ku dheeraaday ka sheekaynta tacadiyada ay gabdhuhu kala kulmaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, isagoo intaasi ku darey in tabbabarka maanta la qabtay inuu xigi doono tabbabaro kale oo lagu kala dhigi doono Dalka Gudahiisa iyo Dibaddiisa.

Furitaankii Tabbabarkaasi waxaa goob ka ahaa Agaasiamaha iddaacadda Haatuf ahna Masuulkii Soomaaliya uga soo qeyb galay shirkii Waraabhinta caalamka ee dhawaan lagu qabtay Dalka Qadar Ibraahim Maxamed cali {Ibraahim Yare}.

In ku dhaw 40- xubnood ayaa ka faa’iidaystay tabbabarkaasi, Wariyaashii ka qeyb galay saminaarkaasi ayaa waxay ka kala socdeen Xarumaha Warabaahinta ee ka jira Wadankeena gudahiisa iyo bannaankiisa

Codka Nabadda 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Dowladda Soomaaliya Oo U Yeertay Safiiradda U Fadhiya Illaa 8 Dal (Akhriso)
Muqdisho (C-Nabadda)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirada Soomaaliya ...