Mareykanka oo sheegay in duqeyn cusub uu ka fuliyay Jubada Hoose

80

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay inuu duqeyn ka fuliyay deegaanka Araare ee Gobolka Jubadda Hoose 3-dii bishan, halkaasoo howlgalo ka wadeen ciidanka xoogga dalka.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay aheyd mid is difaac ah, xilli Al-Shabaab ay isku dayeen inay soo weeraraan Ciidamada Soomaalida.

Illaa afar dagaalame ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka in lagu dilay duqeynta, sidoo kale ma jirin ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Askar Mareykan ah oo qeyb ka ahaa howlgalka dhulka ee ay hoggaaminayeen Ciidamada Soomaalida.

Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ku taageera ciidamada dowladda, xilliyada howlgalada ka fuliyaan deegaanada Shabaabka kaga sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Kulan Sanadeedka Golaha Wasiirrada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Furmay
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay kulan sanadeedka golaha wasiirada ...