Muhaajiriin Soomaali ay ku jirto oo gaaray Spain.

53

Markabka ay maamusho hay’adda gargaarka ee Gacmo furan ee dalka Spain ayaa goor sii horeysay oo tdodobaadkaani ah xeebaha Libya kasoo badbaadiyay boqolaal Muhaajiriin ah oo naftooda halis u galiyay sidii ay ku gaari lahaayeen wadamada Yurub.

Muhaajiriintaasi oo u Soomaali badan ayaa waxa markabkii badbaadiyay uu ku xirtay dekada Crinavis oo ku taalla Magaalada Algeciras ee dalka Spain, kadib markii Taliyaaniga iyo Jaziirada Malta ay iska diideyn in ay qaabilaan Qaxootigaan.

Sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dalka Spain muhaajiriiinta ayaa u badan Haween, Caruur, iyo dhalinyaro nolol doon ah oo dalalkooda shaqo la’aan ay ku dilootay.

ugu yaraan  1,300 oo muhaajiriian ah ayaa lasoo badbaadiyay sanadkaan sii dhamaanaya sida ay sheegtay hay’adda Muhaajiriinta adduunka ee IOM.

Kala bar muhaajiriintaasi ayaa waxaa laga dejiyay xeebaha Spain, kadib markii Taliyaaniga iyo Jaziirada Malta ay shaaciyeen in aynan qaabili doonin qaxooti hor leh.

Hase ahaatee qaar badan oo kamid ah Tahriibayaasha ayaa si dhuumaaleysi ah ku gaara xeebaha Taliyaaniga iyo Malta, hay’addaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa wadamadaasi ku cambaareeyay go’aamada ay ka qaateyn qaxootiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Shabaab oo sheegtay in ay la wareegeen Deegaanka Goof Gaduud Buureey
Shabaab ayaa sheegtay in dagaal culus dabadeed ay u suurta gashay in ay la wareegaan ...