War Cusub oo naga soo gaaray Xarunta Doorashooyinka Puntland & Gudiga Doorashada oo…

449

Garoowe (Codka Nabadda) War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey xarunta barlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in hadda barlamaanku ay dhaarinayaan xubnaha gudiga doorashada madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa

Gudiga doorashooyinka Puntland gaar ahaan madaxweynaha ayaa waxaa lafilayaa inay dhaarinta kadib yeeshaan kulamo xasaasi ah oo ku aadan arrimaha doorashada kadibna ay warbaahinta u soo gudbiyaan shuruudaha doorashada iyo xogo kale.

In ka badan 40 musharax oo u taagan xilalka madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa lagu wadaa in lakala saaro maalmaha soo socda iyadoona inta soo harta ay si rasmi ah u geli doonto loolanka ugu dambeeyey ee cod bixinta barlamaanka.

 

 

Codka Nabadda  (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Akhriso:-Jadwalka Doorashada & Shuruudaha Musharixiinta Madaxweynaha Puntland Oo La Shaaciyay…
Garoowe(Codka Nabadda)  Guddiga Doorashada Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland ayaa Goordhow Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay ...